
Dhalinyarada Beesha Garwaale ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay sida ay sheegeen in loo qaybiyay kuraasta iyo xilalka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la tixgeliyo saamiga ay beeshu ku leedahay maamulka.
Dhalinyarada ayaa sheegay inay ka hor yimaadeen habka saami-qaybsiga xilalka iyo kuraasta maamulka, iyagoo tilmaamay in fariin iyo baaq hore ay u direen Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, balse aysan weli helin jawaab ay ku qanceen.
Waxay sidoo kale ka hadleen kursiga Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Degmada Baydhabo, iyagoo sheegay in xilkaasi uu hore ugu qornaa ama ay beeshu ku lahayd saamiga, balse sida ay tilmaameen, shaqsi loo qanciyay awgeed uu xilkaasi uga baxay saamigii ay filayeen.
Dhalinyarada Garwaale ayaa sidoo kale cabashadooda ku saleynaya awood-qaybsiga gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo sheegay in saamiga beesha uusan si muuqata uga dhex muuqan xilalka iyo kuraasta sare ee maamulka Koonfur Galbeed.
“Waxaan dooneynaa in si caddaalad ah loo tixgeliyo saamiga iyo doorka Beesha Garwaale ee Koonfur Galbeed,” ayay sheegeen dhalinyarada oo hadalkooda ku adkeeyay inaysan ka tanaasuli doonin dalabkooda.
Dhalinyarada ayaa intaas ku daray inay adeegsan doonaan dhammaan dariiqyada nabadeed iyo wadatashi ee ay u arkaan inay muhiim u yihiin sidii beeshu uga heli lahayd kuraas iyo xilal sare oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.
Beesha Garwaale ayaa ka mid ah beelaha dega deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, waxayna sheegayaan inay door ku leeyihiin bulshada iyo geeddi-socodyadii kala duwanaa ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira beelaha Digil iyo Mirifle.
Cabashada dhalinyarada ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Koonfur Galbeed ka socdaan dooddo iyo wadatashiyo la xiriira awood-qaybsiga, maamulka iyo matalaadda beelaha, iyadoo aan weli si rasmi ah looga haynin jawaab ku saabsan dalabka ay dhalinyarada Garwaale u gudbiyeen Hoggaanka Koonfur Galbeed.
Warsan Radio – Codka Shacabka