Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed, oo dhawaan lagu sameeyey dib-u-casriyeyn iyo horumarin.
Hoggaamiyaha ayaa xarunta Wasaaradda waxaa ku soo dhoweeyey Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah hawlwadeennada Wasaaradda.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee xarunta Wasaaradda, isagoo u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.
Kormeerka ayaa si gaar ah loogu eegay howlaha warfaafinta, wacyigelinta bulshada, soo saarista iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee Dowladda, iyo doorka Wasaaradda ee xiriirka ka dhexeeya hay’adaha Dowladda iyo shacabka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo xarunta Wasaaradda, isaga oo sheegay in hay’adaha Dowladda ay muhiim u tahay inay yeeshaan xarumo casri ah oo u saamaxaya inay si hufan oo tayo leh u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay dhammaystirka iyo taageeridda howlaha horumarineed ee ka dhiman Wasaaradda, si loo xoojiyo awoodda iyo waxqabadka hay’adda.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Mudane Nuur Siidow Baba, ku boorriyey in la sii xoojiyo tayeynta howlaha warfaafinta, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo wacyigelinta bulshada.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka la gaarsiiyo xog sugan, sax ah, degdeg ah oo la isku halayn karo, iyadoo la adeegsanayo hababka casriga ah ee isgaarsiinta iyo warbaahinta.
Booqashada Hoggaamiyaha ayaa ku soo beegantay xilli Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed ay waddo dadaallo lagu horumarinayo xarunteeda, tayeynta shaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada warfaafinta.
Kormeerka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa laf-dhabarka u ah gudbinta xogaha rasmiga ah, wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista fahamka shacabka ee howlaha Dowladda.






