
Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ustaad Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow), ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo kaga hadlay xaaladda guud ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Afhayeenka ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, isaga oo bulshada iyo warbaahinta la wadaagay xog ku saabsan xaaladda guud ee maamulka.
Mudane Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) ayaa sidoo kale ka jawaabay arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladaha siyaasadeed, amni iyo nololeed ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirkan jaraa’id ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni, iyadoo dowladda maamulka ay si joogto ah uga hadasho xaaladda iyo qorshayaasha ka socda deegaannada ay maamusho.
Hoos ka daawo hadalka afhayeenka
https://x.com/Warsannews/status/2094355551815639167

