
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaranka ee Amniga Gudaha, oo diiradda lagu saarayo qiimeynta xaaladda amniga dalka, isku-dubbaridka hay’adaha amniga iyo dejinta aragti qaran oo ku saabsan mustaqbalka amniga Soomaaliya.
Shirweynahan ayaa 1-da iyo 2-da Sebtembar 2026 lagu qabanayaa Muqdisho.
Wasiir Cabduqaadir ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo ay si buuxda ula wareegayso mas’uuliyadda amnigeeda, iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha hay’ado amni oo awood u leh inay si madax-bannaan u maamulaan, u maal-geliyaan una joogteeyaan hawlahooda.
Waxa uu xusay in hay’adaha amniga dalka looga baahan yahay inay ku shaqeeyaan Dastuurka iyo sarreynta sharciga, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-dubbaridka hay’adaha kala duwan ee amniga.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay dadajin doonto arrimaha mudnaanta u leh amniga qaranka, gaar ahaan xeerarka la xiriira amniga ee horyaalla ama soo gaara Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa si gaar ah loo tilmaamay Xeerka Xogta Rasmiga ah, kaas oo uu Wasiirku sheegay in muhiimaddiisu tahay in la helo nidaam lagu xaqiijinayo helitaanka xogta muhiimka ah, iyadoo isla markaana la ilaalinayo siraha iyo xogta xasaasiga ah ee Qaranka.
Shirweynaha ayaa la filayaa inuu noqdo madal ay dowladda, hay’adaha amniga iyo dhinacyada ay khusayso kaga wada hadlaan caqabadaha amni ee dalka iyo sidii loo dhisi lahaa nidaam amni oo waara, isku-xiran, sharci ku dhisan, isla markaana Soomaaliya ay si buuxda u leedahay una maamusho.

