NAAXIYOW — Wararka laga helayo deegaanka Naaxiyow, oo hoostaga Dolondoola ee gobolka Bay, ayaa sheegaya in halkaasi lagu fuliyey howlgal culus oo dhanka cirka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goob la sheegay inay saldhig muhiim ah u ahayd kooxda Al-Shabaab.
Sida laga soo xigtay ilo dhinaca amniga ah, duqeynta ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay halkaasi ku diyaarinayeen qorshe ay ku weeraraan fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, gaar ahaan fariisimaha ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.
Ilo amni ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka la gubay gaari dagaal, iyadoo la soo weriyey in khasaare xooggan uu gaaray kooxda lagu bartilmaameedsaday.
Si kastaba, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya tirada khasaaraha iyo faahfaahinta howlgalka.
Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay inay dhowaan soo bandhigi doonaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada duqeynta.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaannada ku dhow Baydhabo, iyadoo Al-Shabaab ay weli ka howlgasho qaybo badan ka mid ah gobolka Bay.
Warsan Radio — Codka Shacabka

