Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.
Wasiirrada ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qaybgalka Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo 1–2 Sebteembar 2026 ka socda Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga gudaha, isku-xirka hay’adaha amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.
Kulanka Wasiirka iyo Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada ayaa muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada amniga, iyadoo la isla eegayo sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha amniga iyo wax looga qaban lahaa caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa muhiimad gaar ah siisa xoojinta xiriirka iyo isku-xirka dhinacyada amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo helo hannaan amni oo wadajir ah oo wax-ku-ool ah.





