Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhaba waxay si weyn uga xun tahay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab saketo ku soo qaaday magaalada Baydhaba, kaas oo socday saacado.
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Birmadka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si geesinimo iyo naf-hurnimo leh uga hortagay weerarka, waxaana ugu dambalyeynaa in la soo afjaray saacadihii hore ee subaxnimadii maanta.
Dowladda Hoose ee Baydhaba waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen askartii ku shahiiday difaaca magaalada iyo shacabka.
*Alle ha u naxariisto dhammaan intii ku shahiiday, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo.*
Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa shacabka iyo ciidamadii ku dhaawacmay weerarka inuu Allah siyo Caafimad degdeg ah.
Dowladda Hoose ee Baydhaba waxay bogaadinaysaa geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ciidamada Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta shacabka iyo nabadgelyada magaalada.
Waxaan shacabka Baydhaba ugu baaqaynaa *degganaansho, feejignaan iyo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga* , iyadoo la iska ilaalinayo faafinta warar aan la xaqiijin.**Baydhaba waa magaalo adkaysi badan, shacabka iyo ciidamaduna waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta nabadda, amniga iyo badbaadada bulshada.****Dowladda Hoose ee Baydhaba****Baydhaba, Koonfur Galbeed Soomaaliya**

