
Muqdisho – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirweynihii Qaran ee Amniga Gudaha, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga dalka, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Shirka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, hay’adaha amniga, Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah.
Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee shirka lagu falanqeeyay ayaa ahaa qorshe dib-u-habeyn loogu sameynayo maamulka iyo howlaha hay’adaha amniga gudaha, iyadoo dowladda ay sheegtay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo isla xisaabtanka, isku-dubaridka iyo hufnaanta hay’adaha amniga.
Doodaha ayaa sidoo kale taabtay kala qeexidda waajibaadka hay’adaha kala duwan ee amniga, gaar ahaan Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si loo caddeeyo awoodaha kormeerka iyo mas’uuliyadda fulinta howlaha amniga.
Waxaa sidoo kale muhiimad la siiyay xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo la isla eegay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha amniga iyo loo xoojin lahaa wadaagga xogta iyo sirdoonka.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah wasiirrada amniga ee dowlad-goboleedyada, hase yeeshee Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqnaa wada-tashiyadaas, iyadoo xiriirka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka uu weli yahay mid xasaasi ah.
Dhanka kale, shirka waxaa lagu falanqeeyay maalgelinta iyo waarta amniga Soomaaliya, iyadoo dowladda ay tilmaantay baahida loo qabo in la helo nidaam amni oo awood u leh inuu si joogto ah u shaqeeyo, isla markaana si tartiib ah loo yareeyo ku tiirsanaanta taageerada dhaqaale ee dibadda.
Qodobkan ayaa si gaar ah muhiim u ah xilli Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay si weyn ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uu qorshuhu yahay inuu soo afjarmo dhammaadka sanadka 2026.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in talooyinka iyo go’aannada ka soo baxay shirweynaha loo rogi doono qorshayaal la fulin karo, kuwaas oo lagu qiimeyn doono horumarka hay’adaha amniga, kharashaadka, isla xisaabtanka iyo heerka wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Shirweynaha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka ay wajaheyso caqabado la xiriira amniga, isku-duwidda hay’adaha iyo xiriirka heerarka kala duwan ee dowladnimada. Sidaas darteed, hirgelinta qodobada shirka iyo sida ay dhinacyada siyaasadda iyo amnigu uga wada shaqeeyaan ayaa noqon doonta arrin muhiim u ah natiijada qorshaha dib-u-habeynta amniga.
