
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Taliye Daahir Macalin, oo lagu tilmaamay sarkaalkii ugu sarreeyay ee hoggaaminayay ciidanka ilaalada Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu ku geeriyooday dagaallada maanta ka socda magaalada.
Dagaalka ayaa ka socda qeybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo wararkii hore ay tilmaamayeen iska horimaadyo culus oo ka dhacay Al-Faras, Boonkaay iyo Al-Ahmar, waxaana xaaladda magaalada laga soo sheegaya inay tahay mid aad u kacsan.
Ilaa hadda, tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca lama xaqiijin, waxaana jira warar kala duwan oo ku saabsan khasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaallamaya.
Warsan Radio waxay idin la socod siin doonta wax alaala wixii kusoo kordho xalaada magaalada iyo duleedka baydhaba xaaladda, waxaana soo kordhaya xogta ku saabsan khasaaraha iyo halka uu dagaalku marayo.

