Muqdisho — 4 Sebtembar 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxyo ka dhacay guri ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada.
War-saxaafadeed ay dowladda soo saartay maanta ayaa lagu sheegay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu helayaan ay tilmaamayaan in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
Dowladdu waxay sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah, kaas oo baaritaan dhammaystiran ku sameyn doona sida ay dhacdadu u dhacday, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.
Sidoo kale, dowladda ayaa xustay muhiimadda ay degmada Doolow u leedahay amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo, iyadoo sheegtay inay mudnaan siinayso ilaalinta xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka.
Dowladda Federaalka ayaa shacabka uga digtay inay ku kadsoomaan warar aan la xaqiijin oo la faafinayo ka hor inta aan la soo gabagabeyn baaritaanka.
Waxay ballanqaadday in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed marka uu soo dhammaado.
Qaraxan ayaa yimid xilli xaaladda amni ee gobolka Gedo ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo guddiga dowladda ay sheegtay inay u saari doonto baaritaanka dhacdada.


