
Wafdi ka socda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo wafdiga uu hoggaaminayo Maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, Xasan Cabdulqaadir Ciise.
Wafdiga waxaa qeyb ka ah Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee SoDMA, Cabdifitaax Maxamed, waxaana socdaalkooda uu la xiriiraa ka qeybgalka shir looga hadlayo arrimaha bani’aadannimada, diyaar-garowga musiibooyinka iyo xaaladda El Niño.
Inta ay ku sugan yihiin Beledweyne, wafdiga ayaa sidoo kale booqanaya deegaanno fog-fog oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuurgalaan xaaladda bulshada iyo baahiyaha ka jira deegaanadaasi.
Sidoo kale, Hay’adda SoDMA ayaa bulshada deegaanka u sameyneysa wacyigelin ku saabsan khataraha ka dhasha fatahaadaha iyo muhiimadda ay leedahay in laga fogaado goobaha biyo-mareennada, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo marka ay kordhaan heerarka biyaha.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, maamulka deegaanka iyo bulshada si loo kordhiyo diyaar-garowga iyo ka hortagga saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.
SoDMA ayaa xoogga saaraysa in bulshada la gaarsiiyo xog iyo wacyigelin ku filan, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maal ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada ee la saadaalinayo.

