
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa sheegay in hawlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan alshabab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen hub ay ku sheegeen in uu yaallay goobihii la weeraray.
Qaar ka mid ah meydadka xubnaha la sheegay in lagu dilay hawlgalka ayaa ciidamada ay sheegeen inay goobta ka heleen.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka, oo ay ku jiraan khasaaraha dhinacyada kale iyo xaaladda deegaanka, si madax-bannaan looma xaqiijin.
Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan qaybo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha iyo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

