Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim, ayaa soo dhaweysay daah-furka Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Rayidka xilliyada Hawlgallada Ciidamada iyo Colaadaha Hubeysan.
Dr. Maryan qasim oo ka hadashay munaasabadda daah-furka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegtay in siyaasaddan ay muhiim u tahay xoojinta ilaalinta dadka rayidka ah iyo isla-xisaabtanka inta lagu guda jiro hawlgallada amni iyo xaaladaha colaadeed.
Waxay sheegtay in Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaranka uu si madax-bannaan ula socon doono hirgelinta siyaasadda, isla markaana uu la xiriiri doono bulshada ay saameeyeen hawlgallada amni, baaro cabashooyinka rayidka iyo dhacdooyinka la soo tabiyo, isagoo sidoo kale soo jeedin doona talooyin ku saabsan tallaabooyinka sixitaanka iyo ka hortagga xadgudubyada.
Guddoomiye Maryan ayaa carrabka ku adkaysay in qiimeynta ilaalinta rayidka aysan ku koobnaan karin oo keliya siyaasadaha iyo qorshayaasha, balse ay ugu dambayn ku xirnaan doonto waayo-aragnimada dadka ay saameeyaan hawlgallada amni.
Waxay sidoo kale tilmaantay in ilaalinta rayidka lagu saleeyo Dastuurka Soomaaliya, xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa inay noqoto hannaan lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ku lugta leh hawlgallada milatari iyo xaaladaha colaadeed.




