
Magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow ayaa saaka laga soo sheegaya xaalad deggan oo xasilloon, iyadoo dhaqdhaqaaqa bulshada uu si tartiib ah dib ugu soo laabanayo.
Hase yeeshee, xalay magaalada waxaa hareeyay cabsi iyo walaac, kaddib markii ay bulshada dhexdeeda ku faafeen warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegayay in magaalada Baydhabo uu ku soo wajahan yahay weerar.
Wararkaasi oo si weyn ugu dhex faafay xaafadaha magaalada ayaa sababay in qaar kamid ah shacabka ay qaadaan tallaabooyin taxaddar ah.
Dad badan ayaa habeenkii ku hoyday masaajidda iyo guryaha dhismaha adag, iyagoo ka cabsi qabay xaalad amni oo ka dhalata weerar la sheegay inuu magaalada kusoo wajahan yahay.
Warar aan la xaqiijin oo cabsi abuuray
Dadka ku nool xaafadaha Baydhabo ayaa xalay saacado badan ku jiray welwel iyo hubanti la’aan, iyadoo aysan jirin xog rasmi ah oo si cad u xaqiijinaysa weerarka la hadal hayay.
Qaar kamid ah wararka bulshada dhexdeeda lagu faafinayay ayaa ahaa warar suuqeed iyo xog aan lahayn ilo rasmi ah, taas oo sii kordhisay cabsi iyo jahawareerka shacabka.
Ilaa iyo hadda, ma jirto xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in Baydhabo xalay lagu qaaday weerar ballaaran, waxaana saaka magaalada laga dareemayaa xaalad ka duwan tii xalay.
Xaaladda guud saaka dhaqdhaqaaqyada magaalada iyo duleedkeeda
Saaka Baydhabo waxaa laga soo sheegaya deganaansho, iyadoo dadka qaar ay dib ugu soo laabanayaan hawlahooda caadiga ah, inkastoo weli ay jirto feejignaan ka dhalatay dhacdooyinkii iyo wararkii xalay.
Dhinaca duleedka magaalada, xaaladda ayaa sidoo kale lagu tilmaamayaa mid aan hadda lahayn iska horimaad muuqda, balse shacabka ayaa weli si dhow ula socda xaaladda amni.
Shacabka iyo dadka rayidka waxaa muhiim ah inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin, ayna xogta amniga ka raadiyaan ilo rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo.

