Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay waraaqaha aqoonsiga ee Dr. Humphrey Karamagi, oo ah Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan taageerada hay’addu siiso mudnaanta caafimaad ee dalka.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dhinacyada caafimaadka, adeegyada caafimaad iyo taageerada qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee horumarinta nidaamka caafimaadka.
Dr. Karamagi ayaa xilkan cusub ku matali doona WHO Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay muujisay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha caalamiga ah si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee bulshada.





