Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa walaac xooggan ka muujiyay saameynta ay dagaallada ka socda magaalada Baydhabo ku yeesheen dadka rayidka ah, xilli isbitaallada magaalada la gaarsiiyay tobannaan qof oo ku dhaawacmay iska horimaadyada.
ICRC ayaa sheegtay in dagaallada culus ee ka dhacay Baydhabo ay sababeen khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, iyadoo kooxda Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadatay daad-gureynta dadka dhaawacmay iyo gaarsiintooda xarumaha caafimaadka.
Antoine Grand, madaxa wafdiga ICRC ee Soomaaliya, ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula shaqeynayso Bisha Cas ee Soomaaliyeed si loo taageero dadka ay saameeyeen dagaalladu. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay qaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah.
Dagaallada Baydhabo ayaa qarxay Khamiistii, waxaana ay u dhexeeyaan ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in iska horimaadyadu ay gaareen goobo ay dad rayid ahi ku nool yihiin, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegayaan dhawaqa rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada. Qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah sida korontada iyo biyaha ayaa sidoo kale hakad galay.
Baydhabo ayaa hoy u ah boqollaal kun oo barakacayaal ah oo hore uga soo cararay abaaro iyo colaado soo noqnoqday, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo xaaladda dadka nugul iyo sii socoshada howlgallada samafalka.
ICRC ayaa xasuusisay dhinacyada dagaallamaya waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, iyadoo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada uu farayo dhinacyada colaadda inay kala saaraan dadka rayidka ah iyo kuwa dagaallamaya, isla markaana qaadaan taxaddarrada suuragalka ah ee looga hortagayo khasaaraha rayidka.
ICRC ayaa ugu dambeyn ku celisay baaqeeda ah in dhinacyada isku haya Baydhabo ay mudnaanta siiyaan badbaadada dadka rayidka ah, xilli walaac laga qabo in dagaalladu ay sii ballaaran karaan.

