Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Isaak Maxamed Isaak (Korsaar), oo ay weheliyaan saraakiisha hay’adaha amniga, ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhabo.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga magaalada, la socodka xaaladda xaafadaha iyo qiimeynta shaqada ay hay’adaha amnigu ka wadaan magaalada.
Wasiirka iyo saraakiisha la socotay ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka u kuurgalay xaaladda amni ee xaafadaha, iyagoo sidoo kale muhiimad gaar ah siiyay xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa bulshada iyo ciidamada amniga.
Dhanka kale, Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo, Kabtan Cali Aadan Maxamed, ayaa shacabka magaalada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isagoo sheegay in magaalada ay nabad ka jirto, loona baahan yahay in bulshada ay door ka qaadato sugidda amniga.
Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada la wadaagaan xogaha la xiriira arrimaha amniga, isla markaana ay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin ee sababi kara cabsi iyo qalqal ku yimaada bulshada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada hay’adaha amniga Koonfur Galbeed ay ku xoojinayaan amniga magaalada Baydhabo iyo wada-shaqeynta ciidamada iyo shacabka.
Waxaa sidoo kale muhiimad gaar ah leh in bulshada iyo hay’adaha amniga ay si joogto ah isaga kaashadaan ka hortagga falalka amni-darrada iyo ilaalinta xasilloonida magaalada.

