Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin, oo ay weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada iyo Arrimaha Haweenka ee Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) Soomaaliya, Mr. Peter Schmitt.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Koonfur Galbeed, u-diyaargarowga roobabka iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan Super El Niño, iyo sidii loo taageeri lahaa bulshada weli wajahaysa baahiyaha bani’aadannimo.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen dardargelinta dadaallada lagu yareynayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan xoojinta difaacyada webiyada iyo adkeynta meelaha nugul ee ku yaalla hareeraha marin-biyoodka.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Wakiilka FAO uga warbixiyay booqashadii uu dhowaan ku tagay deegaannada Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah meelaha sida weyn ugu nugul fatahaadaha, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha si loo ilaaliyo nafaha, xoolaha iyo nolol-maalmeedka bulshada.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan baahiyaha loo qabo in si hore loogu diyaargaroobo fatahaadaha iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhalan kara roobabka xooggan, iyadoo xoogga la saarayo tallaabooyin ka hortag iyo yareyn khatar ah.





