Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Cali, oo loo yaqaan Axmed Gaashaan, u magacaabay Abaanduulaha Qeybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Gaashaanle Sare Axmed Gaashaan ayaa ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa howlgalada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu tilmaamaa inuu hoggaamiyey howlgallo ciidan oo kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sarkaalka cusub ee loo magacaabay Abaanduulaha Qeybta 12-ka Abriil ayaa sidoo kale horey u soo noqday Taliyaha Guutooyinka 7-aad iyo 14-ka Oktoobar, xilligaas oo uu door muuqda ku lahaa howlgallada ciidamada dowladda ee gobolka.
Axmed Gaashaan ayaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay howlgaladii lagu qabtay magaalada Marka, oo ah xarunta maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


