Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa xusay doorkii Amiirkii hore ee Qadar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, isagoo ku tilmaamay muddadii uu talada dalka hayay inay ahayd xilli lagu sameeyay isbeddello waaweyn oo dhaqaale, bulsho iyo hay’adeed.
Guterres ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad gaar ah oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay, taas oo loogu xusayay laguna maamuusayay dhaxalkii Amiirkii Aabbaha ee Qadar.
Wuxuu sheegay in hoggaamintii Sheekh Hamad ay door weyn ka qaadatay horumarka Qadar iyo isbeddelladii dalka ka dhacay, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani ayaa Qadar xukumayay intii u dhaxaysay 1995 iyo 2013, xilligaas oo dalka uu si weyn u ballaariyay dhaqaalihiisa, gaar ahaan iyadoo uu kordhay wax-soo-saarka gaaska dabiiciga ah iyo kaalinta Qadar ee arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka.
Munaasabadda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Qadar iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo Guterres uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kaalinta Qadar ee dadaallada caalamiga ah ee nabadda, horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo.

