
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane cabdu qaadir maxamed nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud iyo madaxkale ayaa ka hadlay muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo lana xoojiyo iskaashiga labada dal.
Guddoomiyaha ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda cinwaankeedu ahaa “Xilli Cusub oo Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya ah: Kalsooni, Iskaashi iyo Iskaashi Istiraatiiji ah”, oo diiradda lagu saarayay mustaqbalka xiriirka labada dal.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si adag u adkeeyay muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.
Gudoomiye jaamac ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye uu markii hore si weyn uga soo bilowday gargaarka bani’aadantinimo, balse uu maanta ka gudbay heerkaas, isagoo noqday xiriir dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo horumarineed.
“Xiriirkeena Türkiye maanta wuxuu ka soo bilowday gargaarka bani’aadantinimo, balse hadda xiriirku intaas wuu ka ballaaran yahay. Waa inaan ka hortagnaa wax kasta oo khatar gelin kara xiriirkeenna,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in iskaashiga labada dal uu leeyahay muhiimad istiraatiiji ah, loona baahan yahay in la ilaaliyo kalsoonida iyo xiriirka muddada dheer soo jiray.
Türkiye ayaa muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dhinacyada bani’aadantinimada, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka iyo amniga, iyadoo labada dal sannadihii dambe sii xoojinayay xiriirkooda istiraatiijiga ah.
Munaasabadda ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Türkiye ay sii ballaarinayaan iskaashigooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo Türkiye ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo lana sii xoojiyo xiriirka labada dal, kaas oo ka soo bilowday iskaashi bani’aadantinimo, balse maanta ku fiday amniga, difaaca, tamarta, dhaqaalaha, kaabeyaasha iyo waxbarashada.
Hadalladan ayaa ka dhacay munaasabadda “Xilli Cusub oo Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya ah: Kalsooni, Iskaashi iyo Iskaashi Istiraatiiji ah”, oo lagu qabtay Muqdisho 10-kii Sebtembar 2026, iyadoo diiradda lagu saaray mustaqbalka xiriirka labada dal.
Xiriir ka gudbay gargaarka bani’aadantinimo
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, cabduqaadir maxamed nuur jaamac ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye uu maanta ka ballaaran yahay gargaarkii bani’aadantinimo ee uu markii hore ku caan baxay.
Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in laga hortago wax kasta oo dhaawici kara xiriirka labada dal, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta kalsoonida iyo iskaashiga muddada dheer soo jiray.
“Xiriirkeena Türkiye maanta wuxuu ka soo bilowday gargaarka bani’aadantinimo, balse hadda xiriirku intaas wuu ka ballaaran yahay. Waa inaan ka hortagnaa wax kasta oo khatar gelin kara xiriirkeenna.”
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin Soomaali iyo Turki ah, iyadoo dowladda Türkiye ay sheegtay in kulanka looga hadlayay taariikhda xiriirka labada dal, xaaladda iskaashiga hadda jira iyo meelaha mustaqbalka lagu sii horumarin karo.
Wasiirka Warfaafinta: Xiriirku wuxuu galay marxalad cusub
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa isna sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye uu galay xilli cusub oo ku dhisan kalsooni iyo iskaashi istiraatiiji ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal uu hadda ku fiday dhinacyada amniga, difaaca, tamarta, kalluumeysiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgashiga iyo waxbarashada, iyo waaxyo kale oo muhiim ah.
Sida laga soo xigtay dhinaca Türkiye, xiriirka labada dal ayaa sannadihii lasoo dhaafay u gudbay qaab iskaashi oo dhinacyo badan leh, iyadoo 2024 la saxiixay heshiis ku saabsan iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.
Amniga iyo difaaca oo noqday tiir muhiim ah
Iskaashiga amniga ayaa kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye. Türkiye waxay Soomaaliya ka taageertaa tababarka iyo dhismaha awoodda ciidamada, iyadoo Muqdisho ay ku taallo saldhigga tababarka ciidamada TURKSOM.
Sidoo kale, labada dhinac waxay iska kaashadaan arrimo la xiriira amniga badda, iyadoo xiriirkooda cusub uu si weyn u taabanayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya, khayraadka badda iyo horumarinta awoodda hay’adaha Soomaaliyeed.
Tamarta iyo dhaqaalaha
Xiriirka cusub ayaa sidoo kale xoogga saaraya tamarta iyo maalgashiga. Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in iskaashiga caalamiga ah loogu beddelo fursado dhaqaale oo dalka ka caawiya inuu ka faa’iideysto khayraadkiisa dabiiciga ah.
Türkiye ayaa horay u muujisay xiisaha ay u qabto iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada tamarta, dhaqaalaha, kaabeyaasha iyo dhaqaalaha badda.
Maxay tani uga dhigan tahay Soomaaliya?
Isbeddelka xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye wuxuu muujinayaa in labada dal ay doonayaan in xiriirkooda laga gudbiyo qaab ku saleysan gargaar oo loo gudbo iskaashi waqti dheer ah, kaas oo dhinacyadiisu ay yihiin amni, maalgashi, waxbarasho, tamar, kaabayaal iyo horumar dhaqaale.
Türkiye ayaa Soomaaliya u aragta dal muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika, halka Soomaaliya ay Ankara u aragto mid ka mid ah saaxiibbada muhiimka ah ee taageera dowladnimada, amniga iyo horumarinta dalka.
Bilowgii xiriirka casriga ah ee labada dal waxaa door weyn ku lahaa booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalad bani’aadantinimo iyo amni oo adag. Tan iyo xilligaas, xiriirku wuxuu si tartiib ah ugu fiday dhinacyo badan.
Mustaqbalka xiriirka
Munaasabadda Muqdisho ayaa muujisay in labada dhinac ay doonayaan in kalsoonida siyaasadeed loo beddelo iskaashi la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada iyo horumarinta kaabeyaasha.
Iyadoo Soomaaliya ay wajahayo baahiyo dhinacyo badan leh, xiriirka Türkiye ayaa noqon kara mid ka mid ah iskaashiyada dibadda ee muhiimka u ah qorshayaasha dowladda ee dhismaha hay’adaha, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta amniga.
Si kastaba, ballaarinta xiriirkaasi waxay sidoo kale u baahan tahay in iskaashiga labada dal uu noqdo mid si cad uga jawaabaya danaha iyo mudnaanta Soomaaliya, iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida, danaha qaranka iyo in faa’iidooyinka iskaashigu gaaraan shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye lagu daro tiir cusub oo diiradda saaraya isgaarsiinta istiraatiijiga ah iyo la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo xogaha marin-habaabinta ah.
Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay munaasabadda looga hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye, oo lagu qabtay Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay ka doodayeen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal. Dowladda Türkiye ayaa sheegtay in kulanka lagu falanqeynayo xiriirka taariikhiga ah, kalsoonida labada dhinac iyo meelaha cusub ee iskaashiga lagu ballaarin karo.
Wasiir Cabdulfataax ayaa sheegay in isgaarsiinta istiraatiijiga ah ay noqon karto qayb muhiim ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, gaar ahaan xilli baraha bulshada iyo warbaahinta dijitaalka ah ay door weyn ka qaataan sida bulshada ay u hesho una fahanto xogta.
Sida uu sheegay wasiirku, iskaashiga cusub waxaa ka mid noqon kara kormeerka iyo dabagalka xogaha, xiriirka xilliyada qalalaasaha, dhisidda awoodda hay’adaha iyo la-dagaallanka sheekooyinka xagjirka ah ee loo adeegsado marin-habaabinta bulshada.
La-dagaallanka marin-habaabinta
Arrinta ka hortagga xogaha marin-habaabinta ah ayaa Soomaaliya si gaar ah muhiim ugu ah, iyadoo wararka aan la hubin iyo xogaha been-abuurka ah ay si degdeg ah ugu faafaan baraha bulshada, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaalado amni, siyaasadeed ama bani’aadantinimo.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la-dagaallanka misinformation iyo disinformation, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta masuulka ah ay ka mid yihiin meelaha ay Soomaaliya doonayso inay iskaashi caalami ah ku xoojiso.
Iskaashi dhinacyo badan leh
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Türkiye ay ballaarinayaan xiriirkooda, kaas oo markii hore si weyn ugu dhisnaa gargaarka bani’aadantinimo, balse hadda gaaray dhinacyada amniga, difaaca, dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, kaabeyaasha iyo waxbarashada.
Munaasabadda Muqdisho ayaa sidoo kale muujisay in labada dal ay doonayaan in xiriirkooda lagu daro dhinacyada cusub ee la xiriira warbaahinta, xogta iyo amniga isgaarsiinta, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo awoodda hay’adaha iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidaas darteed soo jeediyay in isgaarsiinta istiraatiijiga ah iyo ka hortagga wararka been-abuurka ah ay noqdaan tiir ka mid ah iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.
Tallaabadan, haddii si rasmi ah loo hirgeliyo, waxay keeni kartaa iskaashi dheeraad ah oo ku saabsan tababarka, hubinta xogta, maaraynta isgaarsiinta xilliyada dhibaatooyinka iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha warbaahinta iyo dowladda.
Warsan Radio — Muqdisho.

