Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Caalamiga ah ee Muslimiinta, ahna Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Caalamiga ah ee Muslimiinta, gaar ahaan arrimaha la xiriira fahamka saxda ah ee Islaamka iyo kor u qaadista qiyamka dhexdhexaadnimada iyo is-dhexgalka bulshada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka fikirka xagjirka ah iyo ka hortagga afkaaraha mayalka adag, kuwaas oo si gaar ah saameyn ugu yeelan kara bulshada iyo dhalinyarada.Kulanka ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha diinta iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo wacyigelinta bulshada, xoojinta fahamka diinta iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.





