Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in uu leeyahay hannaan online ah oo u saamaxaya inuu si joogto ah ula socdo shaqada iyo howlaha ka socda dhammaan wasaaradaha dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay madasha qiimeynta iyo la xisaabtanka wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta ka dhacday Muqdisho.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in nidaamkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo la socodka waxqabadka, isla xisaabtanka iyo hufnaanta shaqada dowladda, isaga oo sheegay in xogta iyo howlaha wasaaradaha si joogto ah loo daba-galo.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka wasaaradaha iyo horumarka laga sameeyay qorshayaasha dowladda, iyadoo sidoo kale la eegayo caqabadaha horyaalla hay’adaha dowladda iyo sidii loo dardargelin lahaa fulinta qorshayaasha qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marar kala duwan ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan nidaam shaqo oo ku dhisan qorshe, cabbirka waxqabadka iyo isla xisaabtan, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladda ay si hufan ugu gaaraan shacabka.


