Wargeyska The Star ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan KDF oo howlo roondo ah ka waday agagaarka marinka LAPSSET ee gobolka Gaarisa ay weerar kala kulmeen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay adeegsanayeen bam-gacmeed nooca RPG ah.
Sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen, weerarku wuxuu dhacay xilli ciidamada ay ku jireen roondo amni.
Ciidamada ayaa ka jawaabay weerarka, waxaana la sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay u baxsatay dhanka deegaanka Degwardey.
Ciidamo dheeraad ah ayaa markii dambe loo diray aagga si ay u baaraan goobta.Dhacdada labaad ayaa isla Sabtidii ka dhacday deegaanka Bodhei Junction ee gobolka Lamu, halkaas oo koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ay weerar kooban ku qaaday xero ay ciidamada KDF ku leeyihiin deegaanka.
Sida ay The Star ku warrantay, weerarka waxaa lagu furay laba gantaal oo RPG ah, kuwaas oo ay xigeen rasaas ka timid qoryaha fudud.
Weerarku wuxuu socday muddo kooban, ka hor inta aan ciidamada ammaanku iska caabin oo aysan dib u riixin kooxdii weerarka soo qaaday.
Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in aan wax dhimasho ama dhaawac ah laga soo sheegin labada weerar, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarrada iyo halka ay kooxihii weerarka soo qaaday u baxsadeen.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada Kenya xoojinayaan howlaha amniga ee ka socda deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
The Star ayaa sidoo kale hore u soo tabisay weerarro kale oo RPG iyo qoryaha fudud loo adeegsaday oo bishan ka dhacay qaybo ka mid ah Lamu iyo Mandera.
Wararka ku saabsan khasaaraha la sheegay in weerarka Gaarisa uu sababay ayaa weli u baahan xaqiijin dheeraad ah, maadaama warbixinta The Star iyo ilo kale oo la helay aysan xaqiijin dhimashada ama dhaawaca tiro askar ah.

