Maanta, waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulankii 11aad ee kalfadhiga 1aad. Kulanku wuxuu ku saabsana geedi-socodkii howshii dib uu eegista xeer-hoosaadka iyo waafajinta dastuurka.
Intii howshaan socotay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si rasmi ah u dhameystireen 3 cutub oo ka mid ahaa 9 ka cutub ee xeer hoosaadka taas oo ay maanta u fariisteen.
Shirka maanta waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan. Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeennada 1aad Mudane Aaden Xasan Maxamed iyo 2aad Marwo Shamso Maxamed Yaroow.
Guddiga Dastuurka, Xeer hoosaadka, Anshaxa iyo xasaanadda u xilsaarnaa diyaarinta cutubyada dastuurka ayaa Xildhibaannada u soo bandhigeen warbixinta wax ka beddelka ee cutubyada 7aad, 8aad iyo 9aad oo ay ka soo shaqeeyeen kadibna waxaa xigay dooda iyo soo jeedinada xubnaha golaha oo ka qeybgal waxtar leh muujiyeen ugu dambayna waxaa cod loo qaaday ansixinta sedax cutub taas oo ay cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay..
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Maxamed Sheekh Xasan ayaa faray Guddiga Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka in ay soo saaraan nuqulka rasmiga ah ee xeer hoosaadka cusub.
Sidoo kale Guddoomiye Dr. Mahad ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay shaqda baaxada leh ee qabteen gudiga xeerhoosaadka, anshaxa, iyo xasaanada iyo sido kale dadaalka, adkeysiga iyo ka qeybgalka doodaha miradhalka leh iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee xildhibaanada Golaha ku gunaanudeen shaqada xeerhoosaadka.
Ugu dambayn Guddiya Dastuurka, Xeer hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada ayaa dhankooda uga mahadceliyay Xildhibaannada meel marinta xeer hoosaadka iyo dedaalka dheeriga ah ay muujiyeen mudada uu socday wax ka beddelka iyo doodda Xeer hoosaadka Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

