NAGOYA, Japan — Xiddiga jimicsiga ee reer Philippines, Carlos Edriel Yulo, ayaa dalka Philippines u horseeday biladdii dahabka ahayd ee ugu horreysay ee Ciyaaraha Aasiya 2026, kaddib markii uu ku guuleystay tartanka men’s floor exercise ee magaalada Nagoya.
Yulo, oo 26 jir ah isla markaana ah laba-jeer ku guuleystay biladda dahabka Olympic-ga, ayaa finalka sameeyay bandhig heer sare ah, isagoo helay 14.666 dhibcood.
Wuxuu kaga horreeyay Milad Karimi oo Kazakhstan u dhashay, kaas oo helay 14.600, halka Shoma Tsukiyama oo Japan ah uu galay kaalinta saddexaad isagoo helay 14.566.
Philippine News Agency ayaa qortay in Guushan uu gaaray Yulo ka dhigtay ciyaaryahankii ugu horreeyay ee reer Philippines ah ee ku guuleysta dahab Ciyaaraha Aasiya ee jimicsiga, iyadoo sidoo kale ahayd dahabkii ugu horreeyay ee Philippines ka hesho ciyaaraha Aasiya ee sanadkan. GMA Network ayaa sidoo kale qortay inYulo uu muddo dheer ku tababaranayay Japan, sidaas darteed wuxuu sheegay in ku tartamidda dalkaasi ay isaga u dareemeyso sidii inuu gurigiisa joogo.
Guusha Nagoya waxay sidoo kale dhammaystirtay ururintiisa billadaha waaweyn ee caalamiga ah, oo ay ku jiraan Olympic, World Championships, Asian Championships iyo SEA Games.
AFP ayaa sidoo kale daabacday in Yulo kuma ekaan hal bilad oo dahab ah: maalmo kadib wuxuu sidoo kale ku guuleystay dahabka vault-ka, taasoo Philippines siisay laba dahab oo uu isagu keenay tartanka jimicsiga.
GMA Network ayaa sidoo kale warisay in Guusha Carlos Yulo waxay noqotay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee Philippines uga soo baxay Ciyaaraha Aasiya 2026 ee ka socda dal weynaha japan, iyadoo magaca “Wiilka Dahabiga ah” uu mar kale ka dhex muuqday warbaahinta ciyaaraha ee gobolka iyo tan caalamiga.










