Ugu yaraan lix qof oo rayid ah ayaa la soo wariyey inay ku dhaawacmeen mid kallena dhaawicii soo gaaray u dhintay duqeymo cirka ah oo habeenkii 25-ka Sebtembar ka dhacay degmada Kyauktaw, ee gobolka Rakhine (Arakan) ee galbeedka Myanmar.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in duqeymaha ay dhaceen intii u dhaxaysay 2:00 iyo 2:45 aroornimo, waxaana la sheegay in diyaarado militari ay duqeymo ka fuliyeen xaafadda Pyidawtha iyo tuulooyinka Paik Thei iyo Nidin.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Muslimiin, oo ay ku jiraan carruur, unicef iyo IOM ayaa si adag u cambaareysay .
Mid ka mid ah carruurta la sheegay inay dhaawacmeen ayaa jira hal sano.
Labada qof ee kale ee dhaawacmay ayaa la sheegay inay yihiin dad ka tirsan bulshada Rakhine.
Sidoo kale, duqeymaha ayaa waxyeello gaarsiiyey guryo ay degganaayeen dad rayid ah. Warbixinno maxalli ah ayaa sheegaya in diyaaradda nooca Y-12 ah ay goobahaas ku ridday ku dhowaad 30 bam, inkastoo faahfaahintaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Warbixin kale ayaa xustay kala duwanaansho ku saabsan tirada dhaawacyada iyo dadka ku jira liisaska dhibbanayaasha, sidaas darteed tirada rasmiga ah weli si buuxda looma xaqiijin.
Myanmar waxaa weli ka socda dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga iyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda, iyadoo gobolka Rakhine uu ka mid yahay meelaha ay colaadaha iyo duqeymaha ka socdaan.

