Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, H.E. Nur Sidow Baba, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Sebtembar 2026, magacaabay Cabdinaasir Maxamed Cabdiraxmaan (Musharaf) inuu noqdo Agaasimaha Telefishinka Dowladda Koonfur Galbeed (SWSTV).
Sida ku cad warqadda magacaabista, Cabdinaasir ayaa xilkan loogu doortay khibraddiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo, iyadoo laga filayo inuu hoggaamiyo howlaha Telefishinka Dowladda Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale Cabdinaasir ugu hambalyeysay xilka cusub, iyadoo Alle looga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, isla markaana uu si hufan ugu adeego bulshada iyo Dowladda Koonfur Galbeed.
Cabdinaasir Maxamed Cabdiraxmaan (Musharaf) ayaa xilka kala wareegaya agaasimihii hore ee Telefishinka Dowladda Koonfur Galbeed.


