
Laamaha amniga ee magaalada Baydhabo ayaa soo gabagabeeyay baaritaanka dhacdadii gabadhii yarayd ee Ikhlaas Ibraahim Amiin, oo meydkeeda Jimcihii laga helay xarun caafimaad oo ku taalla xaafadda Xaqsoor ee magaalada Baydhabo.
Ikhlaas Ibraahim Amiin oo ahayd shan jir ayaa la waayay, waxaana qoyskeedu muddo ku dhow 48 saacadood ku jiray baadigoob ay ku raadinayeen.
Meydkeeda ayaa markii dambe laga helay MCH ku dheggan hoygooda.
Sida ay sheegeen ilo ku dhow baaritaanka, baaritaannada caafimaad ayaa lagu ogaaday in gabadha ay u geeriyootay ceejin, iyadoo la tuhunsan yahay in xarig loo adeegsaday falka.
Booliska Baydhabo ayaa isla maalintii meydka la helay gacanta ku dhigay saddex qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin dhacdada.
Dadka la qabtay ayaa kala ahaa laba haween ah iyo nin dhallinyaro ah oo waardiye ka ahaa xarunta caafimaadka.
Toddobaadkan ayaa sidoo kale ciidamada ammaanku soo qabteen qof afaraad oo la sheegay inuu ceel ka qodayay xarunta caafimaadka xilliga ay dhacdadu dhacday.
Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo ayaa sheegay in qorshuhu yahay in eedeysanayaasha loo wareejiyo Jeelka Weyn ee Baydhabo, halkaas oo lagu sii hayn doono inta ay hay’adaha garsoorku ka gaarayaan go’aanka sharciga ah ee kiiskooda.
Eedeysanayaasha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Saldhigga Booliska Baydhabo, iyadoo baaritaanka lagu soo gabagabeeyay xog laga ururiyay goobta dhacdada iyo dadka loo xiray kiiska.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si dhow ula socday baaritaanka dhacdadan, isagoo laamaha amniga ku adkeeyay in baaritaanka la dedejiyo, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay dilka.
Dhanka kale, Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed, Sahra Cismaan Axmed, ayaa hay’adaha ammaanka ugu baaqday in sharciga la horkeeno cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda dilka gabadha.
Dhimashada Ikhlaas Ibraahim Amiin ayaa si weyn uga nixisay bulshada Baydhabo iyo dad badan oo baraha bulshada kala socday baadigoobkii loogu jiray gabadha.
Kiiska ayaa hadda u gudbaya marxaladda xigta ee sharciga, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah ee mas’uuliyadda eedeysanayaasha uu ku xirnaan doono maxkamadda.

