Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan gaar ah kula qaadatay Ms. Awa Dabo, Ku-Xigeenka Wakiilka Sare QM ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR), gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada hadlay dadaallada lagu hirgelinayo xafiiska OHCHR ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay arrintani u leedahay xoojinta hay’adaha qaranka, taageeridda dadaallada xuquuqul insaanka iyo kobcinta iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay OHCHR taageerada iyo wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka dalka.
Kulanka waxaa Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Bashiir Cumar, quburrada iyo la taliyeyaasha Wasaaradda.

