Qoyska, ehelka iyo asxaabta Marxuumad Ayeeyo Aamina ayaa isugu yimid munaasabad diini ah oo lagu sameeyay Digri iyo Alle Bari, iyadoo Alle looga baryay inuu u naxariisto Marxuumadda, dembigeedana dhaafo.
Munaasabadda ayaa lagu akhriyey aayado Qur’aan ah, ducooyin iyo dikri, waxaana ka qeybgalayaasha ay Alle ka baryeen inuu Marxuumad Aamina ka waraabiyo naxariistiisa, qabrigeedana u waasiciyo, kana yeelo kuwa Jannatul Firdowsa lagu martiqaado.
Qoyska Marxuumadda ayaa uga mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeybgalay Alle Bariga iyo kuwii tacsi iyo garab istaag la soo gaaray.Alle ha u naxariisto Marxuumad Ayeeyo Aamina, samir iyo iimaanna haka siiyo qoyskeeda, ehelkeeda iyo dhammaan intii ay ka geeriyootay.
Aamiin.
https://www.facebook.com/share/v/1HxX9amLyX/

