Jabuuti — Ugu yaraan 109 qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, halka ku dhowaad 116 qof oo kalena la la’yahay, sida ay Axaddii sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).Doonta ayaa degtay habeenkii u dhexeeyay 8-da iyo 9-ka Oktoobar 2026, kaddib markii ay rogmatay meel waqooyi ka xigta magaalada Obock ee dalka Jabuuti.
Sida ay sheegtay IOM, dadkii ka badbaaday shilka ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ku dhowaad 350 qof, kuwaas oo ka soo ambabaxay Jabuuti, kuna sii jeeday dalka Yemen.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in kooxaheeda gurmadku ay goobta ka wadaan hawlgallo, iyagoo la shaqeynaya mas’uuliyiinta deegaanka si ay gargaar degdeg ah u gaarsiiyaan dadka ka badbaaday musiibada.
Shilkan ayaa mar kale muujinaya khatarta ay wajahayaan muhaajiriinta adeegsada waddooyinka badda ee isku xira Geeska Afrika iyo Yemen, kuwaas oo qaarkood u safra iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan, balse la kulma halis badan oo naftooda gelisa khatarro
Xigasho: Wakaaladda Wararka AFP, oo soo xiganaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

