Hey’addaha Ammaanka Mareykanka ayaa aqoonsaday mid ka mid ah labadii ruux ee looga shakisanaa inay rasaas ku fureen meel dibada ka ah xarun ay ku shirayeen Kartooniistayaal duleedka magaalada Dallas ee Gobolka Texas.
FBI-da Mareykanka ayaa ku magacaabay Elton Simbson uu ahaa nin inta badan la tuhunsanaa, isla markaana dhowr jeer oo hore baaritaan lagu sameeyay ku lug lahaanshaha falal argagixisinimo.
Saraakiisha ayaa baaraya guriga uu ka degenaa magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona, halkaasoo Simpson uu ku noolaa.
Ninkan ayaa la sheegay in ka hor inta aanu weerarka geysan inuu qoraalo soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo kaga hadlayay weerarka uu qaadi rabo.
Waxaa kaloo ninkan la sheegay in sanado ka hor uu qorsheynayay inuu aado Soomaaliya, si uu uga bar bar dagaalamo Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa toogtay labo ruux oo hubeysnaa, kadib markii ay rasaas ku fureen goob uu shir uga socday Kooxo Kartooniistayaal ah oo ka hadlayay tartan la xiriira sawir gacmeed laga sameeyo Nabi Muxamed (NNKH).
Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Garland oo ku taal duleedka magaalada Dellas.
Ciidamada SWAT ayaa goobta si deg deg ah ku soo gaaray, markii ay dhacday rasaas badan, waxaana dadkii ku shirsanaa xarunta ay geeyeen Iskuul.
Siyaasiga garabka midig ee fog ee u dhashay Netherland, Geert Wilders, ayaa ka mid ahaa ka qeybgalayaasha.
1 comment
Rungtii Eed i Eed Ya Hang Dhawaaye Tilaabathi Yoo Qaatheeng Iithimithy