Xuddur-(WSR)–Maamulka Gobolka Bakool iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaha ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.
Guddoomiyaha Xuddur Max’ed Macallin Axmed oo Wareysi uu siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Saraakiisha Itoobiya ee jooga gobolka in marka la weeraro meel ay joogaan Al-shabaab aan la waxyeeleyn shacabka.
kulanka kadib ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Xuddur in ay ka soo saareen qodobbo dhowr ah oo ku saabsan sugidda amniga, la dagaallanka Al-shabaab, ilaalinta Shacabka marka ay dagaallada socdaan iyo in laga wada shaqeeyo nabad gelyada Gobolka.
Waxaa uu sheegay in ay isku afgarteen in la ilaaliyo shacabka kadib markii dhowr mar oo ay dagaallo dhex mareeen Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ay sababtay in ay dhintaan dad fara badan oo rayid ah.
Waxaana falkii ugu xumaa uu ka dhacay degaanka Buur-dhuxulle ee Gobolka Bakool halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof o ay dileen Ciidamada Itoobiya oo halkaas kala wareegay Al-shabab.