Milatariga dalka Mali ayaa xukunka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta, waxayna ballan qaadeen inay soo dhisayaan dowlad ku meel gaar ah kahor doorashooyinka cusub.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu madaxweynuhu ka soo muuqday telefishinka qaranka dalkaas kuna dhawaaqay inuu is casilay.
Isaga iyo ra`iisal wasaarihiisa ayaa iyagoo qori lagu hayo laga kaxeeyay caasimadda waxaana la geeyay xero milatari.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay xukunka ay la wareegeen milatariga.
Urur-goboleedka Ecowas, ayaa isaguna ku dhawaaqay in la xiro xudduudaha dalkaas wuxuuna joojiyay ilihii dhaqaale.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa gelinka dambe ee maanta ka arrinsan doona arrintaas.
Hoggaamiyeyaasha Milatariga Mali ayaa amray in la xiro dhammaan xudduudaha dalkaas, iyagoo soo rogay bandow habeenkii ah, sida uu ku dhawaaqay ku xigeenka madaxa Ciidamada Cirka ee dalkaas.
Wuxuu sidoo kale wada hadallo horseeda doorashooyin cusub ku casuumay kooxaha mucaaradka oo ku baaqayay isbeddello.
Xoogagga hubeysan ee Mali ayaa shalay xukunka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta waxayna ballan qaadeen inay soo dhisayaan dowlad ku meel gaar ah kahor doorashooyinka cusub.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu madaxweynuhu ka soo muuqday telefishinka qaranka dalkaas kuna dhawaaqay inuu is casilay.
Isaga iyo ra`iisal wasaarihiisa ayaa iyagoo qori lagu hayo laga kaxeeyay caasimadda waxaana la geeyay xero milatari.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay xukunka ay la wareegeen milatariga.
Urur-goboleedka Ecowas, ayaa isaguna ku dhawaaqay in la xiro xudduudaha dalkaas wuxuuna joojiyay ilihii dhaqaale.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa gelinka dambe ee maanta ka arrinsan doona arrintaas
Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay xireen militariga dalkaasi Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay telefishinka qaranka dalkaasi.
Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu , Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi.
“Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.
Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska .
Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.
Kooxo jihaad doon ah oo waddankaas ka dagaallama ayaa qeyb ka ah amni darrada