Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa Maanta gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan.
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Abiy kusoo dhaweeyay dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduun iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, waxaana loo gadbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ahaan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda Gobolka.
Sidoo kale laba Ra’iisul Wasaare ayaa ka hadlay muran u dhexeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaasi oo salka ku haaya biyo xireenka webiga Niil, waxaana RW Xamduun uu sheegay in la sii wadi doono wadahadalada ku saabsan biyo xireenka webiga.