Wasaarada Caafimaadka Ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta qalab Aad Muhiim u ah oo ah midka dhiiga lagu Keydiyo waxay ugu deeqdey Isbitaalka weyn ee degmada Baydhabo xarunta Gobolka Bay.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Isaaq Cali Subag oo ah masuul aad u damqasho badan wax badana wasaaradiisa xaga caafimaadka ka qabatay Deegaanada Koonfur Galbeed Qaarkood ayaa maanta wuxuu isbitaalka Baydhabo ugu deeqey Qalabka Dhiiga lagu keydiyo kaasoo Wasiirka in mudo ah raadis kiisa ku howlanaa si ay u yeraato baahida Bankiga Keydka Dhiiga.
Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa wuxuu sheegey in Qalabkaan uu kasoo helo iska daba wareeg iyo orod badan hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobeey Ee ” “WHO”, waxaana Agabkaan aad qaaliga u ah lagu wareejiyey Agaasimaha guud ee Isbitaalka Degmada Cabdi fataah Xaashi waxana madashaasi Goob joogayaal ka ahaayeen Maamulka Gobolka Bay & kan Degmada Baydhabo.