Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si diiran loogusoo
dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo
magaalada Muqdisho ugasoo qayb galay shirka Wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016.
Madaxweyne ShariifXasan 00 UU weheliyo wasiirka arimaha gudaha Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Sate ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba si diiran ugusoo dhoweeyay wasliro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gudoomiyaha gobolka Bay, kan degmada Baydhaba, odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, buishada qaybaheedka kala duwan sida ururka dhalinyarada iyo kan haweenka, saraakiil ciidan, saraakiisha ciidamada AMISOM Sector III iyo weliba masuuliyiin kale oo fara badan.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn kadib waxaa loo galblyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhaba.