
Ciidanka tababarka loo xiray ayaa noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.
Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada wajibka qaran ee loo tababaray.
Waxa tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.