Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha written by Warsan Radio 21/06/2022 Ergeyga gaarka ah ee dalka Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, Xue Bing, ayaa sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay ka caawiso dalalka gobolka Geeska Afrika hawlaha nabadaynta iyo sidii meesha looga saari lahaa, waxa uu ugu yeeray, faro-felinta lagu hayo dalalka gobolka.Xue Bing ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday kulanka u dhexeeya dalka Shiinaha iyo wadamada gobolka Geeska Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ay ka qaybgaleen illaa lix dal, kaas oo ah kulankii ugu horreeyey ee ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha nabadda, maamulka dawliga ah iyo horumarinta.Xue Bing ayaa sheegay in qalalaasaha iyo kala qayb-sanaanta gobolka ka taagani inay sii kordhayso, wuxuuna xusay inay haatan dib u soo cusboonaatay aragtidii dagaalka qabow iyo loollaankii quwadaha caalamka ee ku aaddan gobolkan, iyada oo ay arrintaasi caqabad ku noqotay in horumar laga gaaro nabadda iyo horumarinta gobolka.Inkasta oo dalka Shiinuhu uu muddo dheer saaxiib ganacsi la ahaa wadamada Afrika, haddana tallaabadan uu haatan qaaday waa tii ugu horraysay ee u muuqata in dalka Shiinuhu uu danaynayo inuu farogelin ku sameeyo siyaasadaha ka socda wadamada Afrika, taas oo u muuqata in isbedel weyni ku yimi siyaasaddii arrimaha debedda ee Shiinaha.Ergeyga Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika ayaa sannadkii hore wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha debedda ee dalkiisa ee ku aaddan arrimaha nabadda iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika inay diiradda saarayso xaqiiqada haatan jirta iyo waayo-aragnimadii hore, iyada oo ujeedaduna ay tahay in dalalka gobolka laga caawiyo sidii ay uga takhalusi lahaayeen farogelinta debedda.Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada Gobolka Geeska Afrika oo ay xilligaan kajiraan rabshado iyo colaado daba dheeraaday, isla markaana u baahan in wax laga qabto Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA You may also like Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay qaraxa iyo weerarka lagu qaaday hotel Elite ee Muqdisho 17/08/2020 AKhriso:- Madaxdda dowladda Soomaaliya oo la kulmay Madaxa UNHCR oo soo gaaray Muqdisho Maanta 17/12/2017 Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay Muhiimadda Cunuqabateeynta Hubka ee laga qaaday Soomaaliya 02/12/2023 Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha 05/11/2021 Video M/Weyne shariif xasan sheikh aadan ayaa ka warbixiyey safar uu dhawaan ku gaarey dalka turkiga 06/03/2017 Khadija Cengiz oo Dacwad culus ka gudbiyay Maxamed Bin Salman 21/10/2020 Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Golaha Shacabka? 30/06/2020 Dhageyso:-Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 21/08/2021 Akhriso:-Yusuf Garad oo ku baaqay in aan la dhayalsan hadalkii ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed 23/09/2019 RW Rooble, Qoor iyo Guudlaawe oo kulan la qaatay ganacsatada Muqdisho (Sawiro) 29/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.