Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka kajirto Abaar daran written by Warsan Radio 21/06/2022 Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in saddexdii todobaad ee la soo dhaafay ay sii kordheysay abaarta kajirta meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal Maanta ka jeediyay Shirka Madasha 5-aad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan aad uga waqrqabin dhibaatada abaareed ee kajirta dalka taas bedelkeedana ay ku mashuulsanayeen Arrimaha doorashooyinka.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in abaarta jirta aawgeed ay saameyn doonto 7 Milyan oo Soomaali ah Saddex milyan oo kamid ahna ay kujiraan xaalad deg deg oo qatar ah ayna sii dheer tahay macluul daran oo heyso dad u badan Carruur.Ugu dambeyn wuxuu sheegay in gurmadka la soo gaarsiiyanayo dadka ay Abaarta ku saameysay Soomaaliya ay aad u yartahay maadaamo dalalka Caalamka ay kajiraan dibaatooyin kala duwan oo keeni waayay inay gurmad sameeyaan.Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar daran oo saameysay dad iyo Duunyo, waxana hay’adaha samafalka & dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay Abaarta Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka kajirto Abaar daran was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay next post Galmudug & Puntland oo shir ka yeeshay Amniga Gaalkacyo You may also like General Tareedisho “31 Shabaab ah ayaan ku dilnay Gobolka Hiiraan” 30/07/2021 Duqa Muqdisho oo ku baxay cabashadii kasoo yeertay Khabuuraha Macalin Nuur 03/07/2023 Dhageyso:-Waregee 2aad ee tartan aqooneedka Radio Warsan oo caawa soo idlaadey 23/04/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 27/05/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/12/2020 Dhageyso+Sawiro:-Ururka Bisha Cas ee Gobolka Gedo oo Baardheere ka bilaabay Wacyi gelin Nadaafadeed iyo Gurmad 25/04/2018 Madaxweyne Trump oo dalbaday in Ciidamada ka jooga Soomaaliya laga soo saaro 14/10/2020 Emir of Kuwait dies at 91 29/09/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/08/2020 Ruushka oo joojiyay qorshe ay wadeen Guddi ka socday Q/Midoobay 29/03/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.