
Howlgalladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.
Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, waxaana uu sheegay in ciidamadu howlgallada ay wadayaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada Muqdisho.
Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baaritaano loogu sameeyo.
Bilihii la soo dhaafay Shacabka kunool badi degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay iyo Ciyaal weero.
