Dowladda Somalia oo baaq la xiriira Abaaraha u dirtay dowladda Jarmalka written by Warsan Radio 14/07/2022 Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmad abaaraha iyo arrimaha bini’aadannimada ayaa la kulmay xoghayaha koowaad ahna madaxa howlaha bini’aadannimada ee Danjirada Jarmalka.Ergeyg Cabdiraxman ayaa Mr Martin Stein ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Jarmalku ka waddo Soomaaliya.Ergeyga oo intaas kadib uga mahadceliyay dowladda Jarmalka sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Jarmalka ee deeqbixiyaha labaad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay Safaaradda Jarmalka siyaabaha ay gacan uga geysan karaan u qareemidda abaaraha Soomaaliya gaar ahaan soo jeedinta indhaha reer Yurub iyo gacan ka geysasashada xiriirka xafiiska Ergeyga iyo Qurba joogta Soomaaliyeed ee Jarmalka iyo Yurub.Xoghaye Martin oo bogaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ku bixineyso arrimaha bini,aadannimada gaar ahaanna fududeynta howlaha gargaarka ayaa u ballan qaadey Ergeyga in Dowladda Jarmalku sii wadi doonto iska xilsaarista gargaarista Soomaaliya. Dowladda Somalia oo baaq la xiriira Abaaraha u dirtay dowladda Jarmalka was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Nin dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhan Cumar oo xukun lagu riday You may also like DHAGEYSO:-BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 04/07/2018 Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun ku riday laba xubnood oo ka tirsan Alshabaab 05/08/2023 Faafaahin laga helaayo Khasaaraha ka dhashay Dagaal kadhacay Degaanka Awdiinle 06/07/2020 Dhimasho & dhaawac ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Gobolka Galgaduud 30/12/2022 DHAGEYSO: Warka Duhur Idaacada Warsan 08/04/2020 Antonio Guterres;”Waa in dib loogu laabtaa heshiiskii doorasho ee Sep 17″ 27/04/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. 11/01/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 05/09/2023 Dhageeyso Howlo looga gaashamanayo Daadadka Roobabka ayaa ka soconaya Baardheere(Sawwiro) 09/11/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.