Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay written by Warsan Radio 18/07/2022 Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS wazaa Maanta lagula beegsaday Isgoyska Cali Kamiin degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa.Sidoo kale qaraxa kadib ayaa Ciidamada ATMIS waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah, waxaana muddo saacado ah ay Ciidamada ATMIS hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Cali Kamiin.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mudfo 30 daqiiqo ah kadib Ciidamada ATMIS ay sii wateen socdaalkooda, isla markaana xaaladda Isgoyska Cali Kamiin iyo Goobaha ku dhow dhow ay tahay mid wanaagsan.Dhowr jeer ayaa qaraxyo Miino oo Magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxaa rasaas ay fureen Ciidamada ay khasaaro kasoo gaartay dad Shacab ah oo marayay Goobta uu qaraxa ka dhacay Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay was last modified: July 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab next post Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar You may also like Tartan aqooneedkii Idaacada Warsan ka socdey oo Caawa la soo Gabagabeeyey 22/05/2020 Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil toogasho ah saaka fulisay 11/01/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/01/2019 Akhriso: Sababaha ay Xaliimo Yarey Dib Ugu Dhigeyso Doorashada 2020-ka 27/06/2020 Dhageyso: Jenaraal Odowa Yuusuf Raage oo soo gaarey magaalada baydhabo. 17/03/2020 Trump iyo Biden waxay amreen amaro iskahorjeedo la dagaalanka Al Shabaab 22/03/2021 Ardey Gaaraya1,265 oo maanta u fadhiistay imtixaanka shahaaddiga dugsiga sare magaalada Beledweyne 18/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Klanka Warsan 25/07/2023 Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay 21/01/2021 Maxay hey’adda culumada Soomaaliyeed ka tiri sharcigii shalay laga hor akhriyey golaha shacabka? 15/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.