Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub written by Warsan Radio 20/07/2022 Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa is rasaaseyn ku dhexmratay Ciidamada Booliska dalkaas iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Burcad dadka dhac u geysanayay.Dhacdadaan ayaa ka dhacday waddada wayn ee Mombasa Road, waxaana ciidamada Booliska ay ku guuleysteen inay toogtaan Saddex kamid ah raggi hubeysnaa.Saraakiisha Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in saraakiishu ay ka falcelinayeen xog ay ka heleen Shacabka ee ahaa in raga la toogtay ay dhac geysanayeen.Ciidamada ayaa la kulmay tuhmanayaasha xilli ay dhac gaysanayeen.Saraakiisha Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku daray in askarta ay eedeysanayaasha ka dalbadeen inay isa soo dhiibaan balse kooxda ay ciidamada ammaanka rasaas ku fureen taasoo keentay inay ka jawaabaan.Goobta howlgalka laga fuliyay ayay ciidamadu ka soo heleen agab ay ka mid yihiin bastoolad, taleefoonno dhan toddobo iyo kombiyuutar.Wararkii ugu dameeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Meydadka saddexda qof ee ay ciidamadu toogteen la geeyay goobta meydadka la dhigo ee city mortuary ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado, waxaana jira rag kale oo Boolisku ay ku raad joogaan. Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah You may also like Maxaa looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle? 29/01/2023 Sucuudiga oo shaqaalaha dowladda ka jaray lacagta Gunnada 13/05/2020 Dowladda Soomaaliya oo maanta agab caafimaad gaarsiisay Kismaayo 03/05/2020 Deni oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare 10/08/2021 Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarixii ka dhacay duleedka Boosaaso 29/01/2023 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dooxa 13/12/2019 Dab ka kacay Wershad lagu sifeeyo Shidaalka 29/01/2023 Al-Shabaab oo si kulul uga hadlay War ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 08/07/2022 Diyaarad ku burburtay Shiinaha & khasaaro ka dhashay 21/03/2022 Akhriso+Codad+Sawir:-Idaacadda Warsan oo ku ogaatay aragti aruurinta dadweynaha in ay kordhaysa kalsoonida hogaaminta madaxweynaha KGS. 05/10/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.