Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen written by Warsan Radio 23/07/2022 Ciidanka Liyuu Boolis ayaa gacanta kusoo dhigay ku dhawaad 50 ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab kuwaasoo gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida.Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa sheegay ayaa sheegay in dadkaan loo dhaadhiciyay xabsiyadda,islamarkaana kuwa dhaawacyadda ah la daaweyn doono.Waxaa weli dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan degaano kamid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya.Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano kuyaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 Ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.Saraakiil katirsan Ciidanka liyuu Boolis ayaa sheegay in ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno kamid ah Al-Shabaab.Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateen ay ka carareen Al-Shabaab marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen. Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen was last modified: July 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxtooyada oo shaacisay inay rajo ka qabto ku biirista Soomaaliya ee Dallada Bariga Afrika ‘ next post NISA oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fulisay Gedo You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 22/10/2022 Mareykanka oo qoraal kasoo saaray doorashada Soomaaliya iyo shirka Dhuusamareeb 3 13/08/2020 Saraakiil Ciidan Iyo AMISOM Oo Ka Shiray Howlgalada Shabeellaha Hoose 31/05/2021 Akhriso:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo faray Golaha Wasiirada inay ansixiyaan Hindise sharciyeedka Doorashooyinka. 18/10/2018 Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay duleedka Kismaayo oo ka furmay magaaladaas 31/05/2020 Dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan 07/09/2022 Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Soomaliya oo ay ka socota Muqdisho 21/02/2022 Mareykanka oo War kasoo saaray Shirkii ka dhacay Muqdisho 01/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Tartan aqooneedka habeenkii koowaad 14/04/2021 Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Geneva Uga Qeyb Gelaya Madasha Qaxootiga Adduunka 16/12/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.