Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusud Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Gashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne
Kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee ee ka socda Gobolka Hiiraan iyo sidii la isaga kaashan lahaa xureynta deegaanada kooxaha cadowga ah ay ku sugan yihiin.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in ciidanka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.