Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan written by Warsan Radio 26/09/2022 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee illaa hadda lagu yabooho.Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray. Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan was last modified: September 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post NISA oo soo saartay digniin cusub next post Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab You may also like Saciid Deni oo sharci darro ku tilmaamay ridistii Kheyre, kuna eedeeyay Madaxweyne Farmaajo… 27/07/2020 Mahad Salaad: 5 arrimood ayaa iga soo jiitay shirkii xildhibaanada taageeray madaxweyne FARMAAJO 16/12/2018 Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashadii Hirshabeelle iyo Geedi Socdka doorashada guud ee Soomaaliya 19/11/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/01/2019 WAR DEG DEG AH: AMIIRO ALSHABAAB AH OO DUQEYN LAGU DILEY. 25/05/2020 Abiy Ahmed oo digniin u diray dalal uu sheegay inay faragelin ku hayaan Itoobiya 18/05/2021 Dhageyso+sawiro:- Dufcadii u horeysay oo lagu tababaray Saldhigga Milateriga Turkiga lasoxiray 23/12/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/02/2021 Nin Bam ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan DANAB oo la qabtay 28/10/2023 Mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo qarax ku dhintay & DFS oo ka hadashay 19/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.