
Guddida dembibaadhista ee Ruushka ayaa sheegtay, in ninka weerarka geystay oo lagu magcaabo Artem Kazantsev, inay da’diisu ay tahay illaa 30 jir. Artemuuna ka qalin jebiyey dugsiga No. 88 kaasoo ah dugsi ay dhigtaan arday isugu jirta, heerka barbaarinta illaa dhamaadka dugsiga sare.
Ninkan hubaysan ayaa toogashada ku dilay 15 qof, halka u goobtaas ku dhaawacay illaa 24 qof oo kale oo ay ku jiraan 22 caruur ah.
Toogashada iskuulada iyo xarumaha kale ee waxbarashada ee dalweynaha Ruushka iyo jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka ayaa aad naadir u ahaa ilaa laga soo gaadhayo sannadihii ugu dambeeyay, markaasoo tirada toogashooyinku ay kor u kaceen.
