Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday written by Warsan Radio 27/09/2022 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaas oo uu ka socdo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.“ Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaas u leedahay ayay tiri“ Wasiir Fardowsa.Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardowso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka. Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday was last modified: September 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Nin hubeysan oo 15 Ruux kudilay ugsi ku yaalla dalka Ruushka next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Dowladda Iiraan Oo Hanjabaad Cusub U Dirtay Mareykanka 21/04/2020 Dhageyso : Warka caawa ee Idaacada Warsan 23/12/2021 Ergey ka socda dalka Qatar oo la filayo inuu Somalia tago toddobaadka dambe 30/04/2021 Qorsho lagu dardar gelinaayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka billaawday Muqdisho 04/11/2023 DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE IDAACADA WARSAN 10/12/2021 Dhageyso:-Warka Fidnimo ee idaacada Warsan 09/09/2018 RW Rooble oo laamaha Amniga faray furitaanka wadooyinka muhiimka ah 26/10/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha ee Idaacada Warsan 30/10/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/07/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.